Hadliye "ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ka baxayaan 2017-ka"

Image

April 11, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisey waqtiga ay ciidamada Kenya sida rasmiga ah uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in militeriga Kenya ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2017.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada Kenya yahay mid ay si wadajir ah u saxiixeen Dowladda Federaalka Somaliya, Kenya iyo Midowga Yurub.

"ciidanka Kenya waxan rajeynaynaa inay dalka ka baxaan sanadka 2017...waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan" ayuu yiri.

October  2011 ayey ciidamada Kenya soo galeen Soomaalia, waxayna si rasmi ah ugu biireen hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM bishii June ee sanadkii 2012.

Kenya ayaa soo gelitaaka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo khatar ku ah dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda, waa sida Kenya hadalka u dhigtaye.

Al-shabaab ayaa  ugu hanjabtey Kenya inay sii wadi doonto weerarrada ay ka geysaneyso dalkaas haddii ay dib ula soo bixi weydo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Mucaaradka Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku baaqey in dib loo soo saaro ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM