Hague: Soomaaliya oo maanta gudbineysa dacwada badda

Image

July 13, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u gudbineysa Maxkamadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, dacwad ka dhan Dowladda Kenya.

Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Soomaaliya ku doodeyso in si sharci darro ah loogu qabsadey qayb kamid ah baddeeda.

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir islamarkaana ay ku jiraan sharci-yaqaano iyo qareenno dhowr ah ayaa shalay gaarey magaalada Hague.

Xubnaha wakiilka ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u gudbin doona maxkamadda dukumiinti ka kooban 150 bog.

Goobta lagu muransan yahay oo sanado kahor la shaaciyey in kayd badan oo shidaal ahi ku jiro, waxay ka tirsan tahay Soomaaliya iyadoo u dhow xadka Kenya.

Kenya ayaa ku doodeysa in goobtaasi tahay mid raacsan biyaha caalamiga ah oo labada dowladood midna aysan lahayn, sidaas darteedna aysan jirin shuruuc Kenya u diideysa inay halkaas shidaal kasoo saarto.

Laga soo bilaabo markii la sameeyey sahanka shidaalka ee badda, lana ogaadey in kayd badani ku jiro badda Soomaaliya ee ku dhow xadka, Dowladda Kenya waxay xoojisey faragelinta siyaasadeed ee ay ku hayso Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, in kumannaan ka tirsan militeriga Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, islamarkaana dowladda Kenya qayb libaax ka qaadatey dhismaha maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM