Halis ku habsatay Itoobiya kuna soo fool leh Soomaaliya oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulada Soomaaliya waxaa suurtagal in qaarkood ay doorasho iskooda u qabsadaan sidda gobolka Tireeyga Itoobiya hadii dowlada jirta aysan coddeyn wada ogol ah qaban, sidda ay ka digee siyaasiyiin.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa carabka ku dhuftay in ay kamid noqon karaan shaqsiyaadka ololahaas bilaabaya hadii muddo kororsi uu yimaado.

Ismaamulka Tireeyga Itoobiya ayaa Arbacadii lasoo dhaafay wuxuu aaday doorasho baarlamaan markii xukuumada ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo xiriir la leh Villa Soomaaliya uu sameystay dheereysi gobolkaas ka biyo diidey.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaa dhacaya November, 2020, halka madaxweynaha uu ka dhacayo Febraayo, 2021.

Iyagoo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, siyaasiyiinta Xasan iyo Cabduqaadir oo u han-qal-taagaya xilka ugu sareeya Soomaaliya ayaa xariiqay khad casaan ah kaasoo ah in ay nidaamkaas bilaabayaan wixii ka dambeeya 15-ka October.

"Dalkaan kororsiimaa laga rabaa afkana waa laga dhowrayaa. 'War annaga waxaan ma qaban karo kororsiimaa la rabaa' in la yiraahdo waa laga xishoonayaa. Wax kasta oo doorashada waqtigeeda aan ku dhaceyn ogaada waa kororsiimo," ayuu Xasan yiri, isagoo Farmaajo ku eedeeyay in uu ku tuntay dastuurka.

Wadahadalka ka socda Muqdisho oo ay codsadeen in saamileyda laga qeybgeliyo ayay walaac ka muujiyeen in ay dhaqan-gelayaan qodobada kasoo baxa.

"Qurux dhalan-teed ah oo aan waxba ka jirin, yaan lagu riyoonin oo berrina salka ku wadata waa la qaban-waayey saddex bilood kalaa u baahan nahay bil kale aan kusii darno maya xaga kale aan ka dhacno iyo ma yeelaneyno ma yeeleyno inta la yiraahdo berri la isku imaan waayo ama wadamada federaalka qaarkood sidda ka dhacdey dowlad goboleedyo qaarkood in ay doorasho iska qabsadaan warkooda kuma jirno nimanka Xamar joogo inta yiraahdaan in ay doorashadooda iska qabsadaan; Soomaalida marka ay baarlamaan soo doorato hanoo soo sheegto annaga kayna waa kanaa waan soo dooranay waa noo joogaa hee in aaney dhicin haddana," ayuu madaxweynihii 8aad ee dalka Xasan ku daray hadalkiisa.

Shirka Muqdisho oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo, shanta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo habeen dambe, iyaddoo aan wali lagu heshiin qodobo muhiim u ah nooca doorashooyinka.

"Sidda la sheegay doorashadii hore waxay bilaabatay 15-ka October, hadii doorasho diyaarin waayo wixii ka dambeeya 15-ka October, annaga waxaan bilaaneynaa geedi u socod barbar socda oo Soomaaliya dowlad loogu dhisi doono hadii uu Ilaahey yiraahdo oo ah sidda hadda aduunka oo dhan ka socota oo aan ku fiirsan doonin in madaxweyne Farmaajo iyo kooxda la joogto ay waddankaan dowlad la'aan dhigaan oo ay burbur geliyaan wax la aqbali karo maahan," ayuu Cosoble ku daray, isagoo carabkiisa ka ilaaliya dowlada federaalka Itoobiya.

Hanjabadaaha ka imaanaya mucaaradka, tanaasul la'aanta Madaxtooyadda oo riixeysa qorshe Farmaajo kusoo laaban karo iyo cadaadiska Beesha Caalamka ayaa u baahan hogaamiye u saaxiib ah karti uu dalka kaga badbaadi karo burbur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM