Halisaha aan qoriga lagu difaaci karin ee ku xeeran doorashada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka iyo maamulada waa ajendahooda wadahadalada doorashooyinka ku daraan xal u helida khataraha aan qoriga lagu difaaci karin, sidda uu soo jeediyey siyaasi sarre.
Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa halisahaan ku sheegay been-abuurka, marin-habaabinta iyo dacaayadda.
Xilli uu si guud u soo dhaweeyay hanaanka wax u socdaan, carabkana ku dhuftay in wali uusan jirin heshiis bulshadda lala wadaagay, wuxuu ka walaacsan yahay in aysan miiska saarneyn ka hortaga faragelin shisheeye.
"Wadaxaajoodku wuxuu iigu muuqdaa in uu ku kooban yahay arrimo Soomaalida dhexdeeda ah. Annaga ayaa is arki og, laakiin inta doorashada ka fekereysaa keligeen ma aha. Kama hadlayo in kharashka ku baxaya dibad laga raadiyo iyo in AMISOM lala kaashado in ay qori ku daafacaan goobaha cod bixinta ee Koofurta iyo bartamaha qaarkood," ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Wuxuu ku daray: "Dalka dunida ugu cudud weyn xag militeri, dhaqaale iyo teknooloji, [Mareykanka], ayaa isagana doorasho ku soo fool leedahay. Baqdin ayuu ka muujinayaa in doorashadiisa ay Dowlado kale faraha la soo galaan. Saameynta laga dhawaajiyay oo la yiri waa laga baqdin qabaa oo dhowr dawoladood lagu tuhmayo in ay yaqaannaan adeegsadaanna, waxaa ka mid ah marin habaabin loo maro saxaafadda siiba baraha bulshada".
"Doorashooyin dalal kale ka dhacay ayaa la leeyahay waxaa lagu sumeeyay been iyo buunbuunin sida duufaan u socda oo baraha bulshada loo adeegsanayo. Xataa waxaa la sheegayaa in bannaanbax taageero ah iyo mid ka soo horjeeda oo isku goob ka dhacaya lagu abaabulay baraha bulshada oo magacyo been ah sita. Bannaanbaxyadiina dad run ahi isugu soo baxay," ayuu xusay.
Garaad oo lasoo shaqeeyay dowladda Farmaajo ayaa tibaaxay: "Soomaaliya waxay leedahay cadow ka leh dano gurracan. Waxaa kale oo ay leedahay saaxiibbo iyaga laftooda qaarkood ay wataan dano u gaar ah".
Diblumaasiga ayaa soo bandhigay su'aallo ay tahay in ay ka jawaabaan madaxda gaareysa go'aanka ugu dambeeya ee masiirka waddanka.
"Annaga oo doorashadeenna la qiyaasayo in ay dhowdahay, yaa qaabbilsan ammaanka aan qori lagu difaaci karin ee doorashada? Sideese been loo xakameeyaa iyada oo aan xorriyadda qowlka lagu xad gudbin? Cudud aqooneed iyo mid dhaqaale meel ay na dhigaanba, ma tahay in aan ka feejignaanno oo ay arrintani wadahadalka qeyb ka ahaato?," ayuu is-waydiiyey.
Qoraalkiisan la daabacay 7-dii Sepyember ayuu kusoo gabagabeeyay: "Su’aalahani jawaab kaagama baahna haddii aad ka mid tahay inta isku halleyneysa in Dowladaha danaha ka leh Soomaaliya, uu damiirkoodu celiyo oo uu u sheego in aanay isku dayin, in ay jiheeyaan doorashada Soomaaliya".
Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa noqon kara mid ah coddeyntii ugu xifaaltanka badneyd maadaama is-xulafeysi weyn uu jiro. Mucaaradka qaarkii waxay doonaya in ay meesha ka saaraan Farmaajo oo dhufeysa ku jira.
GAROWE ONLINE