Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado
Washington D.C. — Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan jirin wax wadahadallo rasmi ah oo socda oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, inkastoo ay jiraan codsiyo arrintaasi ku saabsan oo ka imanaya siyaasiyiin iyo daneeyayaal kala duwan, oo uu ka mid yahay Senatorka Texas, Ted Cruz.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u sheegay Fox News in aysan jirin wax is-dhexgal ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Maraykanku weli ku taagan yahay siyaasadda "Hal Soomaaliya", taasoo diiradda saareysa ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Maraykanku wuxuu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo ka mid tahay Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ma leh wax wadahadallo firfircoon oo ay la wado wakiillada Somaliland si loo aqoonsado inay tahay dal madax-bannaan,” ayuu yiri afhayeenka.
Bayaan-kan ayaa si cad uga hor imaanaya dadaalka uu wado Senator Ted Cruz, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga (GOP), ahna xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka, isla markaana lagu tiriyaa xulafo dhow ee Madaxweyne Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya. Bishii Febraayo 2025, Trump ayaa si shaqsi ah u shaaciyay howlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Puntland, oo lagu beegsaday dagaalyahannada ISIS — waa markii ugu horreysay ee uu si toos ah uga hadlo arrintaas, inkastoo horay loo sheegay in uu damacsanaa in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya.
Intii uu ku sugnaa Xafiiskiisa Oval Office 8-dii Agoosto, Trump ayaa suxufiyiinta u sheegay, "Waan eegaynaa arrintaas hadda," isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland iyo in dad reer Gaza ah la dejiyo halkaas, wuxuuna intaas ku daray, "Arrinta Somaliland waa mid aan hadda ka shaqeyneyno."
Senator Ted Cruz ayaa sidoo kale u sheegay Fox News in ay jirto “fursad dhab ah” oo Madaxweyne Trump uu ku aqoonsan karo Somaliland inta lagu jiro xilkiisa.
“Trump wuxuu keenayaa waqti cusub oo ah in siyaasadda amniga qaranka ee Maraykanku noqoto mid daahfuran, kadib afartii sano ee Biden uu abaal marinayay cadowgeena oo uu ciqaabayay saaxiibadeenna. Aqoonsiga Somaliland waa inuu qeyb ka noqdaa waqtigaas cusub,” ayuu yiri Cruz.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay tahay “saaxiib lagu kalsoon yahay” oo Maraykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah si wanaagsan ula shaqeysa, ayna diyaar u tahay inay gacan ka geysato la-dagaallanka saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee amniga iyo barwaaqada Maraykanka.
Aqalka Cad ilaa hadda kama uusan jawaabin codsi ay Fox News u dirtay oo la xiriiray mowqifkooda arrintan.
Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa sii wadey inay Soomaaliya u aragto meel khatar ah oo argagixisadu ku xooggan tahay, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin kooxaha xiriirka la leh ISIS iyo Al-Qaacida.
Hadana, saameynta sii kordheysa ee Shiinaha iyo joogitaanka ciidamada waddamada sida Turkiga ayaa sare u qaaday walaaca qaar ka mid ah siyaasiyiinta Washington ee ku aaddan siyaasadda "Hal Soomaaliya", taasoo Somaliland weli u aqoonsanaysa qayb ka mid ah Soomaaliya.
GAROWE ONLINE