Hanaanka loo marayo xalinta khilaafka DF iyo Jubbaland oo la shaaciyey
KISMAAYO, Jubbaland – Khilaafkii mudada soo jiitamayey ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa lagu xalinayaa qaab farsamo, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda maamulka Axmed Madoobe.
Maxamed Axmed Sabriye, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Jubbaland oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ka dhawaajiyey in dhinacyada ku balameen xalka la gaaro kahor 15-ka bisha August.
"Madaxda DFS iyo Madaxweynaha Jubbaland waxay ku heshiiyeen in khilaafka mudada soo jiitamayey si hoose loo xaliyo xal waarana laga gaaro khilaafkii u dhexeeyey DFS iyo Jubbaland," ayuu yiri Mr Sabriye.
Taariikhdaas uu ka dhawaajiyey waxaa furmaya wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo lagu waddo in lagu soo bandhigo nooca ay noqoneyso doorashada soo aadan oo guddi wadajir ah loo saarey.
Sidda laga soo xigtay agaasimaha, arrinta gobolka Gedo oo dowladda federaalka xoog ku qabsatay ayaa kamid ah qodobada laga heshiinayo.
"Si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaas waxaa loo wajahey qaab farsamo kaas oo natiijadiisa la sugayo ka hor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballansanyahay 15 Agoosto 2020," ayuu raaciyey qoraalka.
Jubbaland oo horey qabsashada dowladda federaalka ee gobolka Gedo ku tilmaamtay "duulaan sharci darro ah" ayaa dhowr jeer codsatay laga saaro ciidamadda "oo sababay xasilooni daro iyo nidaam xumo".
"Arrinta gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa la filayaa in mudadaas lagu xaliyo wixii dhaceyna si dhab ah looga wada garaabo," ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay, isagoo aan fahfaahin dheeri ah aan bixin.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka ah ama Madaxtooyadda Soomaaliya.
Madaxda dowladda federaalka gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar-gaar ah yeeshay mudadii ay kuwada sugnaayeen caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Isagoo ka hadlayey xiritaanka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in is-afaham uu dhacay, wallow uusan tafaasiil dheeriya ku bixin hadal-jeedintiisa madashaas.
Wadashaqeyn la'aanta dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamulada ayaa xoogeystay markii la doortay Farmaajo oo waqtiga kasii dhacayo una muuqda mid ku qasbanaatay in uu la fariisto dowlad goboleedyada dalka.
GAROWE ONLINE