Hanti-dhowrka DF oo soo bandhigaya musuq maasuqa wasaaradaha

Image

March 22, 2015 (GO)- Hanti-dhowraha guud ee Dowladda Federaalka Nuur Jimcaale Faarax, ayaa sheegay in dhowaan uusoo bandhigi doono warbixin ku saabsan musuq maasuq baahsan oo badi wasaaraduhu ku kaceen, arrintaasoo dhaawac u geysan karta kalsoonida deeq bixiyeyaashu ku qabaan Soomaaliya.

Wadamada reer galbeedka iyo dalalka kale ee deeqda bixiya ayaa balaayiin doolar ugu yaboohay Soomaaliya, lacagtaas oo loogu tala galay in lagu caawiyo ciidamada dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta iyo in dib loogu dhiso hay'adihii dowladda ee ku burburey dagaallada.

Deeq bixiyeyaashu waxay ku eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inaysan waxba ka qaban la-dagaalanka musuq maasuqa, waxay sidoo kale ku doodayaan in xatooyada lagu hayo hantida dowladdu caqabad ku noqotey dadaallada ku aaddan dib u dhiska dalka.

Hanti-dhowruhu wuxuu sheegay in xafiiskiisu baaritaan ku sameeyey 25-ta wasaaradood ee Dowladdu ka kooban  tahay, natiijada baaritaankaasna loo gudbin doono barlamanka marka uu kalfadhigoodu furmo  bisha soo socota.

"warbixintu waxay muujineysaa musuq maasuq baahsan oo badi wasaaradaha dowladdu ku kaceen" Nuur Jimcaale ayaa sidaas u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Muran ayaa soo kala dhex galay Nuur Jimcaale iyo kooxda ay wada shaqeeyaan oo ka kooban 61 qof, wuxuuna sheegay in shaqada laga eryey todoba xubnood oo lagu soo eedeeyey inay laaluush ka qaateen wasaaradaha ay baarayaan.

Warbixintan ayaa caqabad ku noqon doonta qorshaha dowladdu ku dooneyso inay taageero dhaqaale oo toos ah uga hesho beesha caalamka, waana sababta keentay in dowladdu cadaadis badan saarto cabsina ka muujiso warbixinta hantidhowrka.

Diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya deeq bixiyeyaasha iyo xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud marna sidiisii hore kusoo laaban doonin laga soo bilaabo fadeexaddii sanadkii 2013 ee la xiriirtey iibsashada hantida Soomaaliya u taalla dibadda. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulafadiisu way ankireen eedaymaha loosoo jeediyey.

Jimcaale oo isagu muddo 17 sano ah dalka Maraykanka dhexdiisa hanti dhowre ahaan uga soo shaqeynayey, wuxuu cadaadis badan kala kulmayaa soo gudbinta warbixinta ku saabsan baaritaan sanadkii hore ee 2014 lagu sameeyey wasaaradaha.

Warbixin baareyaasha Qaramada Midoobey soo bandhigeen sanadkii 2013, waxaa lagu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud lacago kala bexeen bankiga dhexe, warbixintaas waxaa sidoo kale lagu sheegay in 80% lacagihii laga saarey bankiga si gaar ah loo adeegsadey.

Xigasho: Reuters

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh uga dhigan tahay dib u doorashadda Axmed Madoobe?

Axmed Madoobe markii uu ka baxay Shirka ayuu istaagey, waxaana Xasan Sheekh sameeyay dadaallo lagu soo celinayo, oo illaa Ruto la gashay.

  • Soomaliya

    25-11-2024

  • 05:55PM

Axmed Madoobe oo sheegay in Xasan Sheekh uu Xamse u adeegsanayo burburinta Jubaland

Axmed Madoobe ayaa xusay in Xasan Sheekh uu Maanta dib u xasuusinayo reer Jubaland wixii dhacay sanadkii 2019.

  • Soomaliya

    25-11-2024

  • 01:05PM