Haweenka Puntland oo soo saaray qodobo ku aadan doorashada 2016

Image
Image
Image
Image

15 November, 2015(GO)-Haween ka socday gobollada Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay xarunta wasaaradda haweenka, waxayna uga hadleen sidii doorashada ka dhici doonta Somalia 2016 iyo Puntland 2019 uga heli lahaayeen qoondadooda.

Shirkan oo saacado qaatay waxaa wasaaradda haweenka Puntland ka taageeraysay UN-Women, waxaana laga soo saaray 10 qodob oo haweenku u arkeen inay ku heli karaan xaqooda ku aadan siyaasadda.

Hoos  ka akhriso tobanka qodob ee shirkaasi ka soo baxay;

  1. In koondadii dumarku lahaayeen dastuurka dalka lagu daro laguna cadeeyo 30% ah.
  2. In nidaamka doorashada uu noqdo mid ku salaysan degmooyin.
  3. In Bulshada, Dowladda,Culimada, Urarada rayidka ah iyo hay,adaha caalamiga ah ay ka qayb-qaataan habkii loogu taageeri lahaa haweenka hankooda siyaasadeed.
  4. In wasaaradda haweenka iyo cadaalada ay hubiyaan in la fuliyey ama ay heleen qayb-tii haweenku lahaayeen.
  5. Waa in la mideeyo daladdaha u ololeeya Haweenka iyo ka qayb-qaadashada siyaasada.
  6. In warbaahinta dowladdu ay u samayso haweenka Barnaamijyo joogto ah oo lagu xoojanayo codkooda.
  7. In odayaasha dhaqanka lagu wacyi-galiyo taageeridda haweenka ka qayb-qaadanaya Siyaasada.
  8. In haweenka bartaan shareecada Islaamka iyo qawaaniinta si ay u fahmaan waxa waajibka ku ah.
  9. In dhamaan bulshada lagu wacti-galiyo in kaweenka aanay xuduud qabiil lahayn cid kastana ay matali karaan.
  10. In la kordhiyo wakhtiga iyo tayada tababarada gabdhaha iyo haweenka loo fidiyo si ay uga faa,iidaystaan ka qayb-qaadashada Siyaasada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 08:28PM

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM