Hawlgal dad lagu soo qabqabtey oo Muqdisho laga sameeyey
June 11, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa maanta howgal ka sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Hawlgalkan oo lagu soo qabqabtey tobannaan qof oo dhallinyaro u badnaa waxaa laga sameeyey degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.
Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Cismaan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan laga leeyahay ay tahay sidii ammaanka loo sugi lahaa islamarkaana gacanta loogu soo dhigi lahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo degmooyinkaas ku dhuumaaleysta.
Maalmo kahor waxay ciidamada dowladdu hawlgal midkan oo kale ah ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha.
GAROWE ONLINE