Hawlgal lagu soo qabtey 473 qof oo xalay Muqdisho laga sameeyey

Image

May 3, 2015 (GO)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa xalay saqdii dhexe hawgal ballaaran oo ku dhowaad 500 oo qof lagu soo qabqabtey ka bilaabey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Hawlgalka o bilowdey 2:00 habeenimo islamarkaana soconayey ilaa waaberigii saaka, waxaa laga sameeyey degmooyin ay kamid yihiin Hawl-wadaag, Hodon iyo War-dhiigley.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada hawlgalkan laga leeyahay tahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka amniga halista ku ah gaar ahaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo si gaar ah loo baadi goobayo.

473 qof ayuu sheegay in xalay ilaa saaka la qabtey haseyeeshee dhammaantood lasii daayey marka laga reebo lix qof oo la rumeysan yahay inay xubno firfircoon ka yihiin Al-shabaab.

"howlgalka waxaa iska kaashanaya ciidamada booliiska, nabad-sugidda, millateriga Somalia iyo kuwa AMISOM, waana howlgal loo dhan yahay oo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, baaritaanku intii uu socday 473-qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka la kala saaaray, lix qof oo keliya ayaa soo hartay, kuwasoo si weyn loogu tuhunsan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin" ayuu yiri.

Ma ahan markii ugu horreysey ee hawlgal caynkan ah laga sameeyo magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xilliyada qaar dadka ciidamadu qabtaan lasii daayo kaddib marka laga qaato lacago madax furasho ah.

Ammaanka Muqdisho ayaa toddobaadyadii u dambeeyey kasoo darayey, waxaana magaalada kusoo badanayey dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM