Hawlgallo dad badan lagu soo qabqabtey oo Baydhabo laga sameeyey

Image

March 14, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka gobolka Bay oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey hawlgal baaritaan ah ka wadey qaar kamid ah xaafadaha degmada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu soo qabtey  hub iyo ugu yaraan labaatan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin  Al-shabaab.

Dadka la qabqabtey oo dhallinyaro u badan, waxaa sidoo kale ku jira ganacsadadeyaal, macallimiin iyo dhowr qof oo dumar ah.

Hawlgalkan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii Al-shabaab weerartey xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Ammaanka Baydhabo oo soo xumaanaya!

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey, waxaana  laga soo bilaabo markii la dhisey maamulka Koonfur Galbeed degmada Baydhabo kusoo badanayey dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weerarrada tooska ah ee Al-shabaab ku qaadeyso xarumaha dowladda iyo fariisimaha ciidamada.

January 18, 2015 waxaa Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

February 3, 2015  waxaa isla Baydhabo lagu diley Sheekh Xuseen Xasan oo isna ka tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna kaasoo lagu dhex diley masjid xilli uu saalada cishaha ku jirey.

Sidoo kale Sheekh Aadan War-Iish oo ahaa wadaad caan ah ayaa February 14, 2015 la toogtey.

March 12, 2015 Al-shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaddey xarunta madaxtooyada ee Baydhabo, weerarkaas waxaa ku dhintey ugu yaraan siddeed qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM