Hawlgallo dad lagu soo qabqabtey oo Baydhabo laga sameeyey

Image

February 15, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka gobolka Bay oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa saaka hawlgal baaritaan ah ka sameeey qaar kamid ah xaafadaha degmada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hawlgalka ay kusoo qabteen hub iyo ku dhowaad soddon qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey waxaana degmadaas kusoo batey dilalka qorsheysan.

Muddo bil gudaheed ah, waxaa Baydhabo lagu toogtey lix qof oo saddex kamid ahi ahaayeen wadaado ka tirsan culimada Ahlu Sunna.

January 18, 2015 ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

February 3, 2015  waxaa isla Baydhabo lagu diley Sheekh Xuseen Xasan oo isna ka tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna kaasoo lagu dhex diley masjid xilli uu saalada cishaha ku jirey.

Sidoo kale Sheekh Aadan War-Iish ayaa February 14, 2015 isla degmada Baydhabo lagu diley, waxaa sidoo kale jirey odayaal dhaqaameed saraakiil ciidan oo la diley.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM