Hay’adda Duulista Rayidka oo xaqiijisay badqabka hawada Soomaaliya

Image
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraal kooban ku beenisay sheegashada Somaliland

Muqdisho, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa qoraal kooban ku beenisay sheegashada Somaliland ee ku aadan in hay’adda ay ku sigtay inay sababto isku dhaca laba diyaaradood oo ay leeyihiin Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.”

َWaxaa intaasi lagu daray in aanay jirin amni xumo iyo “halis badqab” oo ka jira hawada Soomaaliya.

Diyaarad ay leedahay Qatar Airways oo ka timi Dooxa kuna socatay Uganda ayaa la sheegay in si khaldan ay u siiyeen xarunta hagidda diyaaradaha ee Muqdisho inay gaarto level-ka 40,000 feet.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Duulista Somaliland diyaarada waxay isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines taas oo ka timid Addis Ababa kuna socotay Dubai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM