Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed iyo Raashiin gaarsiisay Dad Dan yar Ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo Maanta ay tahay maalintii 2aad ee bisha Ramadan, Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq raashiin iyo lacag cadaan ah gaarsiisay dad dan yar ah oo ku jira Ispitaalka Laasaleeti iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Deeqda raashiinka oo ka koobneyd Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa Hay'ada Hormuud Salaam Foundation waxay gaarsiisay dad badan oo ka xanuunsanaya dhimirka oo lagu hayo Ispitaalka Laasaleeti si ay ugu afuraan bishan barakeysan ee Ramadan.
C/raxmaan Ibraahim Cilmi, gudoomiye ku xigeenka Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan kaalmada iyo garab istaag dadka danta yar ee wajahaya duruufaha kala duwan ee dhanka nolosha, oo Caasimaadka iyo Cuntada ay kamid yihiin.
Drs Faadumo Cabdi Macow oo ku hadleysay afka maamulka Ispitaalka, ayaa sheegtay in baahi wayn ay u qabeen deeqdan ay soo gaarsiisay Hey'adda Hormuud salaam Foundation, oo xiligeeda kusoo beegantay, maadaama Ramadan lagu jiro.
Dhanka kale, Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxay gaarsiisay Ururka Haweenka Qaranka, taasoo cadadeedu gaareyso 6,000 oo dollar, waxaana ka faa' ideystay 120 qoys oo danyar ah, oo aad uga mahadceliyay kaalmadan oo wax badan ka bedelayso noloshooda.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale iyo Gudoomiye ku xigeenka ururka ayaa si isku mid ah ugu mahadceliyeen Hay'ada Hormuud Salaam Foundation, oo ku tilmaameen mid marwalba garab istaagta dadka tabaaleysan, sanad walbana bishan oo kale dadka danyarta ah iyo kuwa xanuunsan goobaha ay ku sugan yihiin ugu deysan raashiin iyo lacag.
Raaxo Xuseen Xirsi Gudoomiye ku xigeenka Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in ay kaalmo u noqoto haweenka Soomaaliyeed bisha barakeysan ee Ramadan, iyadoo ugu baaqday Ganacsatada in ay garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Wajiga 1aad ee taakuleynta Ramadan-ka ayaa shalay lagu daah-furey deeq Raashiin noocadiisa kala duwan lagu gaarsiiyay Isbitaalka Dr Habeeb, oo ay ku jiraan bukaano dhanka dhimirka ka xanuunsan, oo sanad kasta hay'adda sidan oo kale deeqda u gaarsiisa. Halkan ka akhri
GAROWE ONLINE