Hay'adda ICAO oo DF ku wareejisey maamulka hawada Soomaaliya

Image

December 17, 2014 (GO)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawada dalka oo mudo labaatan sano ka badan dibadda laga maamulayey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa shaaciyey in Soomaaliya si rasmi hadda wixii ka dambeeya hawadeeda mas'uul uga noqon doonto.

Qoorsheel ayaa sheegay in heshiiska wareejinta hawada kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo madaxda hay'adda caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka (ICAO), taasoo muddo labaatan sano ka badan soo maamulaysey hawada Soomaaliya.

Guul iyo tallaabo horay loo qaaday ayuu ku tilmaamay maadaama hada wixii ka dambeeya Dowlada Federaalku awood u yaalan doonto inay cashuurto boqollaalka duulimaad ee asbuuc walba hawadeeda mara.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaa horay uga biyo diidey in hawada dalka laga maamulo magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM