Hay'adda ICAO oo DF ku wareejisey maamulka hawada Soomaaliya

Image

December 17, 2014 (GO)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawada dalka oo mudo labaatan sano ka badan dibadda laga maamulayey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa shaaciyey in Soomaaliya si rasmi hadda wixii ka dambeeya hawadeeda mas'uul uga noqon doonto.

Qoorsheel ayaa sheegay in heshiiska wareejinta hawada kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo madaxda hay'adda caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka (ICAO), taasoo muddo labaatan sano ka badan soo maamulaysey hawada Soomaaliya.

Guul iyo tallaabo horay loo qaaday ayuu ku tilmaamay maadaama hada wixii ka dambeeya Dowlada Federaalku awood u yaalan doonto inay cashuurto boqollaalka duulimaad ee asbuuc walba hawadeeda mara.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale ayaa horay uga biyo diidey in hawada dalka laga maamulo magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM