Hay’adda IOM oo wakiil cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM