Heshiis laga gaarey maamul u sameynta Hiraan & Sh. Dhexe

Image
Image
Image

08 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa ka qayb galey munaasabad lagu saxiixey maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana goob joog ahaa wasiirada iyo xildhibanaada kasoo jeeda goboladaas.

Heshiiskaan ayaa waxaa wada saxiixey wasiirada kasoo jeeda goboladaan, Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federalka, gudoomiye-yaasha labada gobol ee Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe halka ay goob joog ahaayeen wakiilada Qaramada Midoobey, IGAD, midowga Yurub iyo qaar ka tirsan diplomaasiyiinta dagan magaalada Muqdisho.

Qodabada lagu heshiiyey ayaa waxaa kamid ahaa kuwasoo laga akhriyey goobta: 

1- in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
2:  In dhismaha maamulka ay ka qayb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
3: In laqabto shirweyne ay u dhanyihiin dhammaan beelaha deggan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol
4: In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 31 Xunood oo ka socda dhammaan beelaha dega Goboladaas. Gudigaas farsamo waxaa lagusoo magacaabaya muddo 14 casho gudohood ah oo ka bilaabaneysa marka lasaxiixo heshiiskan.
5: Maamulka la dhisayo isagoo metelaaya dhammaan beelaha dega labadaas Gobol wuxuu u howl gelayaa si wada jir ah in loola dagaalamo nabad-diika, goboladaasna lagusoo dabaalo nabad iyo xasilooni.
6: Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhamestirayaa muddo ku siman 60 maalmood gudahood, waxaana fududeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
7: xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta, taaba gelinta hishiiska iyo bixinta wixi tasiilaad ah.
8: Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya xukuumadda Federaaka Soomaaliya, kuna soo celineysa saxiiixayaasha.
9: Cid alla iyo ciddii carqaladeysa hannaanka geedi socodkan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade, waxaana laga qaadi doona tallaabada ku haboon.

10: Hishiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Guddoomiye yaasha labda Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo 11-ka Wasiir ee ka soo jeeda labadaas gobol.
11: Saxiixayaasha heshiiskan xirriir lama laha, habka awood qeybsigu noqon doono.

Hishiiskan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta la saxiixo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka oo hadal ka jeediyey goobta lagu saxiixey ayaa sheegey in heshiiskaan soo afjaro goobihii weli harsanaa  kuwasoo maamulka aan lagu baahin iyadoo dhamaan dgaanada Somalia yeelan doonaan madax laga xisaabtamo.

Xasan Shiikh ayaa sheegey iney garab istaagi doonaan dhamaan maamulada dalka ka jira waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii horey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.ayuu yiri madaxweyne Xasan shiikh isaga oo hadalkiisa sii wata.

Mr. Shiikh ayaa sheegey in beesha caalamka wixii hada ka dambeeya maamulada ka jira Somalia si buuxda qayb uga yihiin talooyinka siyaasadeed, hurumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Dhinaca kale waxaa uu mahad u celiyey Xasan Shiikh beesha caalamka gaar ahaan ciidamada AMISOM oo dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.

Kulankaan heshiiskaan lagu gaarey ayaa waxaa goob joog ahaa dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia iyo ku-xigeenkiisa iyagoo goobta hadalo ka jeediyey.

Shirka maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa uu furmayaa bisha September Kowdeedaa isaga oo lagu wado inuu soo dhamaado bisha December markaas oo la filayo in la doorto madaxda maamulkaas.

Dowlada Federaalka oo ku guuldareystey in wadanka ka qabato doorasho xor ah iney wadanka ka dhacdo sanadka 2016.

Dadka siyaasada Somalia la socda ayaa aaaminsan in nidaamka kaliya oo lagu soo dooran karo madaxda Somalia sanadka 2016 noqon doono xildhibaano laga soo xulo maamulada jira iyo kuwa dhismi dhismi doona.

Goboladaan Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia iyo wasiirada kasoo jeeda garabka siyaasada Xasan Shiikh ayaa xooga saaraya sidii gobolada dhexe, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe maamulo u yeelan lahaayeen inta aan la gaarin 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh ma xiri karaa Axmed Madoobe?

Kismaayo100% waxay gacanta ugu jirtaa Axmed Madoobe, dhanka dibada cirka iyo dhulka cid aan isaga ogeyn kama soo gali karto magaaladda.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 06:06PM

Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 08:36AM