Heshiiska doorashada 2020-21: "Darbi xanibay" yoolkii Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Heshiiska doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020-21 waa darbi is hortaagay yoolkii muddo kororsiga madaxda dowladda, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Al Ceyn.

Jaraa'idka ayaa tibaaxay in heshiiskaas ay kala saxiixdeen dowlada iyo maamulada kadib wadahadalo afar maalmood qaatay uu si gaar ah u xakameynayo damacii madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo ee dheereysiga ahaa.

Villa Soomaaliya oo kaashaneysa Golaha Shacabka ayaa "isku dayday in ay ku darsi sameyso, iyaddoo qorshahaas awgii meesha uga saartay ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre, kaasoo dhankiisa ku dhawaaqay in uu iskiis isku casilay".

Is-afgaradkaas ka kooban 15 qodob waxaa ugu mudan in nooca doorashada noqoneyso degaan doorasho, in ay Xildhibaankii soo dooranayaan 101 ergo, in ay ka qabsoomeyso laba magaalo iyo in ay bilaabaneyso November.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda shanta maamul ee saxiixay heshiiska ayaa kalsooni fiican ka rajeeyay in heshiiska uu ku dhaqan-geli doono waqtiga loo mudeeyay lana soo dhisi doono guddiyo ka shaqeeya fulintiisa.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa gole ayaa Sabtidii meelmariyey heshiiskaas, waxa kaliya ee haatan xigaya waa fulinta oo looga fadhiyo xukuumad uu soo dhisi doono ra'iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ra'iisul wasaarihii 19aad, Xasan Cali Khayre iyo hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa soo dhaweeyay heshiiska, iyagoo ku baaqay in dhaqan-galka la guda-galo.

Beesha Caalamka oo durtay heshiiska ayaa carabka ku dhufatay inuu ka hooseeyo meeshii laga filayey madaxda Soomaalida oo ahaa in waddanka u dareero doorasho toos ah oo ay coddeynayaan dadweynaha.

Daneeyeyaasha caalamka gaar ahaan safaaradda wadanka Mareykanka ayaa riixayey qabsoomida wadahadalada, iyagoo ku boorinayey hogaamiyeyaasha in ay soo saaraan heshiis qaab nabad ah dalka uga saaraya mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM