Hiiraan: ciidamada AMISOM oo mar kale dad rayid ah laayey

Image

August 9, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof oo rayid afhaa ayaa ku geeriyoodey deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM rasaas ku fureen gaari ay dad shacab ahi saarnaayeen. Ciidamada dilka geystey ayaa ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah ee AMISOM.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta, balse wararka hordhaca ah ee warbaahintu helayso ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gaariga joojiyeen kadibna baaritaan ku sameeyeen iyagoo baarista kadibna rasaas ku furay.


Dadka gaariga la socdey oo u badanaa kuwa qaraabo ah, waxay ka yimaadeen dhanka degmada Beledweyn, halkaasoo ay munaasabad tacsi ahayd kaga soo qayb galeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska sare ee AMISOM weli wax war ah falkan kama soo saarin.

Waa markii saddexaad muddo bil gudeheed ah ee ciidamada AMISOM dad rayid ah layaan. August 2, 2015 ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan AMISOM degmada Marka ugu dileen shan qof oo hal qoys kasoo wada jeeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM