Hiiraan: ciidamada DF iyo AMISOM oo deegaano ka qabsaday Al-shabab

Image

August 4, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa gelinkii dambe ee shalay xoog kula wareegey deegaannada Ceel Dheer iyo Ceel Cali oo ku yaal galbeedka gobolka Hiraan.

Labadan tuulo waxaa in muddo ah gacanta ku hayey Ururka Al-shabaab, waxaana lagu soo warramayaa in dagaal khasaare geystey halkaas ku dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab.

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada huwantu xilligan si buuxda deegaanadaas gacanta ugu hayaan.

“Ciidamadu waxay 24tii  saac ee la soo dhaafay la wareegeen deegaano ku yaal galbeedka Hiiraan...waxaa naga go'an sidii aan Al-shabaab uga sifeyn lahayn guud ahaan gobolka Hiiraan" ayuu yiri.

Al-shabaab ayaa weli ka arrimisa deegmooyin dhowr ah oo ku yaal gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM