​HIIRAAN: Ciidamada Ethiopia oo isaga baxay deegaanka Ceel Cali

Image

CEEL CALI, Somalia- Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa saaka faarujiyay deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan kadib markii Ururka Al shabaab Xalay  Madaafiic ku garaaceen saldhigyadooda.

Ilo Wareedyo ku sugan Ceel Cali, ayaa GO u sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka, Saacado kadib markii ciidamada Ethiopia isaga baxeen saldhigyadooda military.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada Ethiopia ee kasoo baxay deegaanka Ceel Cali ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan oo Fariisamo ku leeyihiin  AMISOM.

Ceel Cali, waxa uu 70KM dhanka Galbeed uga beegan yahay magaalada Beledweyne, wuxuuna noqonayaa deegaankii 7-aad oo ciidamada AMISOM ka baxeen, Al Shabaab-na dib ula wareegaan mudo 3 bilood gudahooda.

Ciidamada Ethiopia waxay horey u faarujiyeen Moqokori, Galcad, Rabdhuure, Aadan Yabaal, oo ku kala yaallo gobolada Hiiraan, Galgaduud, Bakool iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowlada Ethiopia ayaa dhawaan billowday inay ciidamo badan oo ka joogay Somalia dib ula baxdo, si ay ugu xoojiso ciidamadeeda kahortagaya Rabshadaha ka taagan dalkeeda, ee ay wadaan Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska AMISOM, kaasoo ku aadan deegaanada ay ka baxeen ciidamada qaybta ka ah howlgalkooda.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dalka Somalia isu diyaarinayo doorashada madaxtinimo iyo midda Barlamaan ee la filayo inay qabsoonto bilaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM