Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo isku haysta marti galinta shirka

Image

05 September, 2015(GO)-Muran ayaa ka taagan cidda marti galinaysa shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo dib uga dhacay xilligii la qaban lahaa.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax oo Baladweyne warbaahinta kula hadlay ayaa sheegaya inay iyagu shirkaasi marti galinayaan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay sameeyeen diyaar garow.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Cali Guudlaawe ayaa hadalkaasi ku tilmaamey mid lagu fududaadey isla markaana uusan xaq u lahayn go'aaminta halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo.

01 September ayaa qorshuhu ahaa qabsoomidda shirkaasi, waxaana uu dib u dhacay sababo la xiriir muran ka taagan saami qaybsiga shirkaasi, balse waxaa haatan soo baxaya khilaaf hor leh oo ku aadan halka lagu qabanayo.

Xukuumadda Somalia weli ma aysan caddeyn goobta uu ka dhacayo shirka maamulka loogu dhisayo labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM