Hindiya oo digniin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Image

NEW DEHLI, India – Hindiya ayaa ugu baaqdey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay yeeshaan wadahadalo dhex-gal ah oo ay kusoo afjarayaan caqabadaha sababay dib-u-dhaca doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka.

Isaga oo ka hadlayey fadhigii Golaha Ammaanka ee Isniintii, danjiraha India ee UN-ka, ayaa rajeeyay in madaxda Soomaalida ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku gaaraan is-afgarad ayna dalka ugu dareeriyaan doorashooyinka.

TS Tirumurti ayaa cod dheer kaga codsaday Soomaalida in ay "mar-xaladdan kala guurka ee muhiimka ah aysan u durbaan tumin rabashaddo".

"Taas bedelkeeda, waa in ay dhiirageliyaan wadahadalka iyo dib-u-heshiinta," ayuu hadalkiisa ku daray ergayga oo kalsooni ka muujiyey arrintaasi.

"Ku lamaa shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda," ayuu tibaaxay ergayga.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga, Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee waddanka ka jira ayaa mar walba oo dib-u-dhac ku yimaado doorashooyinka waxay u tahay faa'iido, taas oo dhaawaceysa guusha dimuqraadiyadeed ee la gaarey.

Qaylo-dhaanta Hindiya ayaa xoojineysa dhawaaqyo maalmihii lasoo dhaafay kasoo yeerayey xubno kamid ah Beesha Caalamka kuwaas oo hogaanka Soomaalida ku boorinayey in ay miiska wadaxaajoodka ku dhameeyaan is-qabqabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM