HirShabelle: DF daacad waan u noqonay, balse hiil rasmiya kama helin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda HirShabelle waa ay ka gacan-maran yihiin u sacab-tunka u sameeyeen dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, mana jirto wax bedel ah oo ay ka heleen, sidda uu shaaciyey mas'uul sarre.

Ifraax Cumar Salaad, wasiiru dowlaha Madaxtooyadda maamulka madaxweynaha waqtiga ka dhacayo ee Maxamed Cabdi Waare, ayaa muujisay in xataa hadii ay jiraan dhaqaale la siiyey ay ku dhamaatay gacanta hogaankooda.

Iyaddoo ka jawaabeysay su'aal ku saabsaneyd guulaha dowlad goboleedku gaarey mudadii uu dhisnaa, Ifraax ayaa caqabadaha soo wajahey ku qeexay dib-u-heshiisiin yar, amni, ciidan la'aan iyo dhaqaale yari culus.

Maadaama uusan maamulku lahayn kaabeyaal dhaqaale oo wax-soo-saar fiican leh sida dekad iyo garoon, dhamaan howlihii aas-aasiga u ahaa dowladnimada waxaa si guud u baajiyey ama is hortaagay lacag la'aan.

"Waa la isku dayey inta aan meesha joognay in aan dhisno ciidan; waxaa noo dhisantay sideed boqol oo ciidan ah, waxaana is-lahayn hadaad illaa afar kun oo ciidan ah aad heshaan ugu yaraan in aan la daalaadhici karno cadowga mararka qaar dadka dhibaateeya ama mas'uuliyiinta. Marka HirShabelle illaa hadda waxay taagan tahay meeshii ay horey u talaabsan lahayd," ayay ku tiri barnaamijka Dooda ee ka baxa telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Mar ay ka jawaabeysay su'aal ku saabsaneyd in ay taageero ka heleen dowladda federaalka si ammaanka u xaqiijiyaan ayay tiri: "Dowlad daacad ayaan u noqonay, waan la shaqeynay, laakiin hiil rasmi ah kama aanan helin.

Ifraax ayaa xustey: "Rasmiyan dhismaha ciidanka ma jirin wax ay dowlada ay naga caawisay, laakiinse saaxiibo iyo walaalo isku ayan ahayn".

Marka amni lasoo qaado, halista ugu badan waa Al-Shabaab. Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, caasimadii HirShabelle, waxay kooxda weerar jidgal ah ay ku khaarijisay mas'uuliyiin sar-sarre iyo saraakiil ciidan.

"HirShebelle waxay ku dhow-dahay magaalada Muqdisho, waa goob muhiim ah. Wadadii la marsiin lahaa waxyaabaha ah aduunka rabeen in ay noo qabtaan haday ahayd madaxtooyadii oo la dhiso, wadadii hadii la mari karin diyaarad miyaa dhegax iyo ciid lagu geyn karaa, taas waa xaqiiqada jirta, marka koowaad waa amni; amni markii la helo ayaa wax la qaban karaa," ayay ku dartay, iyaddoo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada kasoo jeeda HirShabelle ku dhaliishay in ay ka gaabiyeen ka shaqeynta dhismaha maamul goboleedkan.

Mudada xileedka Waare ayaa ku eg bisha October, 2020. Dhowaan wuxuu magacaabay guddiga la dhaliilay xubnaha uu ku daray. Villa Soomaaliya waxay quudaraneysaa in ay ka hesho natiijo doorasho oo ka qoslisa.

Qaar kamid ah madaxda maamuladda ayaa ula safta hogaanka dowladda federaalka iyagoo xeerinaya dano maaliyadeed oo gaara, taasoo aflagaado ku ah waajibaadkii loo doortay oo ahayd horumarinta dadkooda iyo degaanadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM