Fariin loo diray madaxdii la kulmay wasiirka HirShabelle ee qaadey Corona

Image

JOWHAR, HirShabelle – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa si rasmi ah wuxuu xaqiijiyey in mas'uul ka tirsan maamulkaas fadhigiisu yahay magaaladda Jowhar uu ku dhacay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Khaliif Muumin Tooxow, oo ah Xildhibaan iyo wasiiru dowlaha cadaaladda, ayaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, halkaasoo uu kusoo ritay cudurkaas dilaaga ah.

Muxyadiin Mukhtaar Macalin, wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, ayaa wariyeyaasha u sheegay in Tooxow uu Jowhar tegay 15-kii bishii lasoo ee Maaj, sanadkan 2020.

"Mar haddii kiiskii ugu horeeyay laga helay meel ka baxsan Muqdisho oo gobolada ah, waxay ka dhigan tahay in cudurka uu ku faafay dalka," ayuu Muxyadiin saxaafadda ugu sheegay Jowhar.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Muxyadiin ayaa ku booriyey dhamaan mas'uuliyiinta iyo dadkii u dambeeyay oo ay kulmeen bukaanka in ay is-karan-tiilaan isla markaana aysan u soo bixin banaanka.

Ma cadda hadii Tooxow uu cudurka qabay markii uu u socdaalayey caasimada HirShabelle ama in uu soo ritay kadib booqashadiisa Muqdisho.

"Waxaan ugu baaqeynaa mas'uuliyiintii iyo dadkii ay wada deganaayeen huteelka magaalada [Jowhar] in aysan muddo 14-maalin banaanka u soo bixin, si loo ilaaliyo badqabka dadka," ayuu Muxyadiin xusay.

Dadweynaha ayuu sidoo kale ku waaniyey in ay raacaan talooyinka caafimaad ee ka imaanaya wasaaradda oo ay kamid tahay in ay ku dedaalaan nadaafadda iyo in ay yareeyaan kulamada dadka badan.

Cudurka Covid—19 oo kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha ayaa ku faafay inta badan qaramadda caalamka, waxaana kiiskii ugu horeeyay oo Soomaaliya laga helay uu soo ritay muwaadin ka yimid waddanka China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM