HirShabelle oo garoomo diyaaradeed ka mamnuucdey hubka

Image
Madaaraddan ayaa ku yaala magaalooyin martigelinaya doorashooyin Golaha Shacabka ah.

JOWHAR, HirShabelle – Wasaaradda Amniga HirShabelle ayaa mamnuucday in hub lala galo garoomada diyaaradaha magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar si loo adkeeyo amniga garoomada xilliga doorashooyinka dalka.

Qoraalka ka soo baxay maamulka oo uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay "wasaaradda amniga HirShabeelle waxa ay Hay’adaha ammaanka gaar ahaan Booliiska & Nabadsugidda ku wargelineysaa in garoomada diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne laga mamnuucay hub lala galo laga bilaabo 15ka Janaayo, 2022".

"Waa lala xisaabtami doonaa cid weliba oo jebisa amarkaan," ayaa la raaciyay qoraalka ka soo baxay maamulka fadhigiisu yahay magaaladda caasimada ah ee Jowhar.

Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa lagu qeexay in Jowhar iyo Baladweyne ay ku wajahan yihiin musharixiin, ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad iyo shaqsiyaad dano kale u tagaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxa ay ku baaqday in lala shaqeeyo Hay’adaha ammaanka oo mas’uuliyad gaar ah ka saaran nabadgalyada garoomada diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

image.png

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM