HirShabelle oo wajaheysa qalqal amni xili ay doorasho kusoo fool leedahay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Inkastoo kolkii hore ay jirtay habac-sanaanta, hadda waxay u muuqaneysaa mid faraha kasii baxeysa iyaddoo ay doorasho xasaasi ah ka harsan tahay afar bilood, HirShabelle.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafey ka geystay degaano ka tirsan maamulkaas falal liddi ku ah nabad-gelyadda, taas oo hadii aan wax laga qaban saameynta coddeynta.

Falalkaas oo isugu jira qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa lagu beegsaday ciidamada AMISOM iyo goobo ay joogaan mas'uuliyiin oo ku taala caasimada Jowhar.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa maamula qaybo badan oo kamid ah dowlad goboleedkaas, iyaddoo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu guuldareystay xalinta caqabada ammaanka.

Tani ayaa qasabtay in badi madaxda maamulkaas aysan xitaa waqti badan ku qaadan caasimadda Jowhar. Intooda badan waxay degan yihiin huteelo ku yaala magaalada dalka ee Muqdisho.

Dhacdooyinkii u dambeeyay

Waare ayaa horey u sheegay in xildhibaanada cusub lasoo xuli doono bisha September ee sanadkan 2020 isla markaana madaxweynaha la dooran doono bisha October ee sanadkan aynu ku jirno.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee qalqal gelinaya ammaanka ee dhacay waxaa kamid ah qarax miino oo 4-tii April, 2020 lagu weeraray maqaaxi lagu shaaho oo ku taala boosteejada Jowhar iyo Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, halka tobban kale oo uu ku jiro Xildhibaan ay dhaawacyo kasoo gaareen. Mudanaha wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka HirShabelle.

8-dii April, qarax miino ayaa degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagula eegtay ciidamadda AMISOM. Burbur soo gaara mid kamid ah gaadiidka howlgalka Midowga Afrika ayaa lasoo wariyey.

9-kii April, weerar bam-gacmeed oo lagu ekeeyay Hotel Safa ee Jowhar ayaa sababay dhaawaca gudoomiye ku xigeenka maaliyada degmada, wallow uu burbur u geystay qeybo kamid ah dhismaha huteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM