Hishiis dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna

Image

27 August, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug iyo  Ahlusunna Waljameeca ayaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ku  kala saxiixdey  heshiis Awood-qaybsi ah .

Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob, wuxuuna ku qotoma sidii maammulka Ahlusuna Waljamaaca uga mid noqon lahayd maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay bishii lasoo dhaafay ee July.

Qodobbada ku xusan heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah inay Ahlu-sunna xubno ku yeelato golayaasha Maamulkan sida; Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha,Maamullada goballada iyo degmooyinka uu ka taliyo maamulkaasi.

Galmudug ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Madaxweynahooda, C/kariin Xuseen Guuleed, halka Ahlusunna Waljamaaca uu Heshiiska u Saxiixay Guddoomiyaha Seddexda Gole ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Guureeye.

Hishiiska labada dhinac ayaa ka yimi ka dib wadahadalo maalmihii la soo dhaafey uga socdey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana madaxweynaha Galmudug oo horey u baajiyay dhismaha golaha Wasiirada maamulkaasi oo la filayay in dhawr maalin ka hor lagu dhawaaqo.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM