Hogaamiye kooxeed ka baxsadey magaalada Muqdisho

Image

Muqdisho [GAROWE ONLINE] - Cabdi Nuure Siyaad ''Cabdi Waal'' oo ka mid ah Hoggaamiye kooxeedkii Muqdisho ayaa ka baxsaday magalada Muqdisho ka dib markii uu cadaaadis dareemay sida uu BBC u sheegay maanta 22 Aug, 2014.

Cabdi Waal ayaa sheegay inuu si caadi ah uga soo dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho xili dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ay ka baadi goobayso magalada wuxuna tilmaamay inuu naftiisa kala soo baxday maadama aan la kala garan karin cida wax dilaysa iyo meesha ay kasoo jeedaan.

''Markaan Xaqiiqada kuu sheego dalka danbi kama aanan galin ,mida labaad wax cabsi ah uguma jiraan Muqdisho ayaan joogay meel kasta koox baa haysata wax dowlad la yiraahdo mamulkeeda dad rabaa kama jiraan''.

Hoggaamiye Cabdi Waal ayaa hadda ku sugan magalada Guriceel oo xarun ah Gobalka Galgaduud wuxuna sidoo kale sheegay inuu taageer san yahay hub ka dhigista laga wado magalada Muqdisho balse loo baahan yahay in sharci iyo nidaam loosoo maro.

''Hubkaygii oo ahaa 570 qori waxaan wareejiyay waqtigii Cabdilaahi Yuusuf Axmed, waxaa la ii raadsanayaa waxaan naqdiyay Madaxweynaha waxaa sheegay in labo dowladood oo isku dhex jirta ay yihiin intaas ayaa la igu maagay" sidaan ayuu u sheegay Waal BBC.

Cabdi Waal oo ka mid ahaa kooxdii isbaheysiga argagaxiso la dirirka ayaa sheegay inuu Muqdisho uga soo baxay kadib markii dhowaan ciidanka ammaanka DF isku dayeen inay gacanta ku dhigaan maadama lagu tuhmayo hub inuu gacanta ku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM