Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo "u geeriyooday" Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaca ka qaadey in hogaamiyeyaal ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ay u geeriyoodeen safmareenka khatarta badan ee Coronavirus.

Dagvin Anderson, taliyaha howlgaladda gaarka ah ee AFRICOM, ayaa warbixin uu siiyey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka wuxuu daboolka kaga qaadey in musiibadaas ay saameysay kooxda hubeysan.

Warbixintiisa ayaa si gaar ah u khuseysay howlgaladooda la dagaalanka iyo hoos-u-dhigadda awooda argagixisada, si lamid ah nabad iyo barwaaqo kusoo dabaalida qaaradda ay ku sugan yihiin ee Afrika.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo guddi u saartay dabagalka xaaladaha ka dhashay Covid-19 ayaa horey u sheegtay in xanuunka uu kaliya halis u yahay "gaaladda"; arrintaas oo muuqata in ay ka dabceen.

Isagoo ka jawaabaya sheegashadda kooxda ee ah in cudurka kaliya uu dilayo "gaalada," Anderson ayaa yiri "Balse, wali waxaan arkeynaa qaar kamid ah hogaamiyeyaashooda oo kaliya uusan soo ridaneyn Covid, balse ay [qaar] u geeriyoodeen".

Gaashaanlahaan Sarre ayaanan soo bandhigin tiradda horjoogeyaasha uu Al-Shabaab ka galaaftay xanuunka iyo magacyadooda.

Marka laga soo tago sheegashadda AFRICOM, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa haatan kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Anderson ayaa walaac ka muujiyey in Al-Shabaab ay xasilooni darro u horseedo Geeska Afrika "maadaama shabakada ay gacansaarka la leedahay ee Al-Qaacida ay joogitaan ku yeelaneyso qaarada".

Inkasta oo fariisinkooda ugu weyn uu yahay gobolka Jubadda Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan, Al-Shabaab ayaa si xoogan u joogta Shabeellaha Hoose, halkaasoo ciidamo huwan ah isu kaashadaan baacsigoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM