Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab oo "ku kala irdhoobay" maamulka dakhliga
NAIROBI, Kenya – Xurgufta dhextaala hogaanka sarre ee Al-Shabaab kuna saabsan dhaqaalaha ayaa sababa karta in kooxdu kala irdhowdo, sidda uu ku waramay wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya xogo sirdoon.
Bishii lasoo dhaafay amiirka ururka, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa isku dayey in uu eryo madaxa dhaqaalaha iyo howlgalada sirdoonka Mahad Karatey iyo Madaxa Howlgalada Gudaha Bashiir Qoorgaab.
Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, saddexda horjooge waxay isku hayaan maamulka ilaha kheyraadka ee maleeyshiyaadka.
Macluumaadka mukhaabaraadka ayaa muujiyey in beelaha Karate iyo Qorgaab ay kasoo horjeesteen in kooxda laga saaro xubnahaas.
Laba todobaad kadib, Qoorgaab, oo Mareykanku sheegay in uu abaabulay weerarkii Manda Bay, waxaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah, isagoo ay wehliso xaaskiisa, sidda uu shaaciyey taliska AFRICOM.
Kadib geeridiisa, Jeneraal Stephen Townsend, madaxa AFRICOM, oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa xaqiijiyey in lagu khaarijiyey Saakow, oo 150 KM dhinaca waqooyi ka xigta Jilib, fariisinka mitidiinta.
"Tan iyo 5-tii Janaayo, taliska Mareykanka ee Afrika iyo saaxiibadooda waxay u gaarsanayeen kuwii mas'uulka ka ahaa weerarka ciidamada Mareykanka iyo Kenya ee Manda Bay," ayuu Jeneraal Townsend yiri.
Haatan, warbixinta sirdoonka oo joornaalku arkay ayaa muujineysa in geerida Qoorgaab ay holac kusii shiday is-qabqabsiga iyo kala shaqsiga u dhaxeeya hogaamiyeyaasha sar-sarre ee kooxdaas.
Sumcad beel
Horaantii Maaj, Diiriye ayaa lagu waramay in uu amray dilka shaqsi kale oo u dhow Karate oo ah Muuse Maalin Mucaawiye, madaxii sirdoonka gobolka Banaadir, kaasoo lagu duufsadey magaalada Bu'aale.
Xogaha sirdoonka ayaa daboolka ka qaadaya in Cubeyda uu ku eedeeyay Karate in uu marin-habaabin lacagaha baada ee laga qaado baaraleyda, gaadiidka iyo ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho.
Illo wareedyada ayaa sheegaya in Karate uu sidoo kale kasoo horjeestay qaraxyadda kaliya ka dhaca Muqdisho isla markaana uu tusaale ahaan u soo qaatay weerarkii Soobe ee boqolaalka qof ku dhinteen.
Badi dadka ku geeriyooday falkaas ayaa kasoo jeeda beesha Karate, sidda ay muujisay warbixinta, talaabadaas oo Abuu Cubeyda isku dayey in uu xakameeyo balse uu kala kulmay "caqabado uu maareyn waayey".
Luminta ganacsatada
Amiirka Al-Shabaab ayaa la sheegay in kadib uu doorbidey in uu la fariisto una dhowaado bulshooyinka yar-yar ee kasoo horjeeda beesha uu ka dhashay Mahad Karate, oo "laf-dhuun gashay ku noqdey".
Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka iyo qorshaha AMISOM ee xoreynta Bu'aale iyo Jilib ayey qormaddu tibaaxdey in ay culeyska kusii kordhisay xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.
Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay oo ay ka fulineysay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la sheegay in uu daarnaa si dareenka dadka uga weecin lahayd khilaafka maaliyadeed ee ka dhex-jira.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramay in 14-kii Maaj ay dagaalameyaasha Al-Shabaab boobeen mehrado ganacsi isla markaana ay burburiyeen laba kamid ah goobahaas ku yaala xadka Garissa iyo Soomaaliya.
Habeen ka hor taariikhdaas, laamaha amniga Kenyaa sheegay in ay degaanka Korisa ku dileen lix Al-Shabaab, noloshana ku qabteen midkood.
Asbuucii hore, ciidamada oo ku duulay fariisin ay Shabaabku ku lahaayeen ismaamul goboleedka Lamu waxay ku khaarijiyeen 12 mitidiin ah, oo uu ku jiro taliye degaanka ah oo bixin jiray taageero sirdoon iyo mid sahay.
GAROWE ONLINE