Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in Talaadada maanta uu wadaxaajoodyo dhanka telefoonka ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Fariin uu soo dhigay Twitter-kiisa ayuu daaha kaga rogay in ay kawada arrinsadeen arrimo ku saabsan la dagaalanka fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo labada dal si isku mid ah u saameeyay.

"Walaalkey ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo aniga, waxaan maanta yeelanay wadasheekeysi dhanka telefoonka si aan u adkeyneyno wadashaqeynteena iyo midnimadeena si aan uga hortagno Covid-19 una badbaadino nolosha dadkeena. Wadajirka waxaan uga bixi karnaa dhibaatada," ayuu soo qoray Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy oo xiriirkooda uu xoogan yahay ayaa kawada shaqeynaya mashruuca is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika kaas oo la sheegay in uu ku saabsan yahay amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Wadahadalka labada hogaamiye ayaa kusoo aadaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay ay cabasho xoogan oo ka imaaneysay shacabka ay ka taagneyd degaanada Soomaaliya ee xuduudka la leh Itoobiya.

Cabashadaas ayaa ku saabsan in ganacsatada Qaadka Itoobiyaanka ah ay halkaas kasoo gudbiyaan maandooriyaha oo horey u mamnuucdey xukuumadda Muqdisho fayruska Corona dartiisa.

Itoobiya ayaa horey u xirtay sohdinta ay la wadaagto dalalka deriska la ah. Balse, talaabooyinka soo gudbinta waxaa lagu waramay in ay yihiin kuwa dhuumaaleysi, wallow aysan jirin cid cadeyn karta.

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya lana xaqiijiyey ayaa gaaraya 60, oo shan kamid ah laga soo sheegay Somaliland iyo laba Jubaland ah, halka Itoobiya ay warisay 82; labada wadan dhimashada waa mid laba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM