Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka arrin-saday "iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah".

War-saxaafadeedka oo aad u kooban kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa nan lagu caddeynin dhanka uu ka yimid wicitaanka ama lahayd codsiga wadahaladalka

"Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna," ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyada.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan dhanka isgaarsiinta ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay Madaxtooyadda Turkiga si lamid ah Erdogaan.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa inta badan kulamadooda ku yeelanaya qaabka casriga ah ee online-ka sababo la xiriirta cabsida faafitaanka Coronavirus oo dunida heegan geliyey.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kamid ah wadamada xaqiijiyey kiisas la xiriira fayruskaas safmareenka ah. Xukuumadda Ankara waxay bil walba Muqdisho siisaa 1.5 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM