Hogaanka DF iyo maamulada oo lagu dhaliilay in ay isku koobeen shirka

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa isku koobay wadahadalada Dhuusaamreeb, iyagoo aan ka qeybgelin wafuuda la socota, sidda uu shaaca ka qaadey siyaasi.

Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha in ay noqdaan kuwa fuliya go'aanada ay soo dhiraan-dhiriyaan wufuuda kale ee wehlisa.

"Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay, kuna dhammaan doonaa," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad

Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubaro yahay.

Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan.

Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo caan ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay.

Waxaa ila qummaneyd in Mas'uul kasta ay wadahadalka ku wehliyaan Wasiir ama laba ka mid ah wafdigiisa. Toddobo Hoggaamiye oo qol isku xirtay oo saacado fadhiyay laga qurxoon in ay taladu ku koobnaato.

Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay, kuna dhammaan doonaa.

Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan. Waana suurta gal.

Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda. Madax meel ka sarreysa oo la salaaxaa ma jirto.

Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah.

Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkaan go’aan looga gaari karo.

Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.


Illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in wafuuda ka socdaalka Dhuusamareeb ku wehlisa madaxda ay booqashooyin u aadeen degaano dhaca duleedka caasimadda Galmudug.

Wada-xaajoodyadda ayaa waxay u muuqdaan kuwa aanan wali dhinac u dhicin isla markaana la isku mari la'yahay qadiyadaha qaarkood oo ay ugu horeyso doorashooyinka loo qorsheeyay sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM