Hogaanka DF oo loo diray baaq la xiriira natiijada shirkii Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowlada waa inay ka faa'iideystaan fursada uga soo ifbaxday kulankii maamulada, aqbalaanna casuumaada kana qeybgalaan shirka loogu yeeray, sidda ay ku baaqeen xisbiyo siyaasadeed.

Dowlad goboleedyadda oo isku raacay in doorashada soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod ayaa ku martiqaaday madaxda federaalka shir wadatashi ah oo ka dhacaya Dhuusamareeb si looga heshiiyo "nooca xalka ah".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa adkeeyay baahida loo qabo in nidaamka lagu galayo doorashadda soo aadan ay noqoto mid heshiis siyaasadeed laga gaarey.

"Tani waxay soo afjaraysaa mugdigii iyo jahwareerkii lagu gadaamay xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu fursaddan ka faa’iidaysto, dadaal toganna horseed uga noqdo ka mira dhalinta wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb," ayuu yiri siyaasiga.

Wuxuu xusay: "Inta damaca ka leh siyaasada waa in ay fahmaan in Dalkii dhinac isku raacay, lana garaay xilligii ololaha iyo abaal ergeshada".

Aqalka Sarre oo bogaadiyey natiijada shirka maamulada ku yeesheen caasimada Galmudug ayaa ku sifeeyay "guul horudhac ah" oo horseedi karta heshiis wadajir ah oo laga gaaro is-mari-waaga ka jira doorashooyinka 2020-21.

Xisbi siyaasadeedka Sahan, oo uu hogaamiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug, ayaa soo jeediyey in shirka wadatashiga Dhuusamareeb la balaariyo lagana qeybgeliyo daneeyeyaasha.

"Xisbiga Sahan wuxuu ku baaqayaa, si talada ay u noqoto mid balaaran, in kulanka wadatashiga ee ay ku dhawaaqeen dowlad goboleedyadda dalka ay qeyb ka noqdaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, taas oo keeni karta mowaafaqo wanaagsan oo loo wada dhan yahay," ayuu ku yiri qoraalka.

Inkasta oo aan wali la muddeyn shirkaas, haddana illaa iyo haatan, ma jiro wax jawaab ah oo Villa Soomaaliya kasoo saartay casuumada maamulada.

Sikastaba ha ahaatee, mowqif walba oo madaxda dowladda federaalka ah ay ka qaataan casuumaada loo fidiyey ayaa go'aamin doonta qaabka uu waddanka uga bixi doono mar-xalada kala guurka ee haatan uu dhexda kaga jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM