Hogaanka taliska NISA oo la dalbadey in dib u habeyn lagu sameeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyaddoo dalka ku jiro jahwareer siyaasadeed ayaa caddeynaya fashilka hogaanka nabad-sugida, sidda uu sheegay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka sirdoonka.

Dalabka wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday qarax iyo mid toos ah ay ku ekeysay huteelka Elite oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

Warsame oo u tacsiyeeyay ehelada dadkooda ku waayey dhacdadaas ayaa shaaca ka qaadey in uu si xoogan u cambaareynayo.

"Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda argagexisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay," ayuu soo qoray.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada argagexisada way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda".

"Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA," ayuu kusoo xiray.

Weerarkii lagu qaadey Elite Hotel oo galaaftay nolosha 15 qof oo shan kamid ah ay yihiin argagixisada falka fulisay ayaa noqonaya dhacdadii afaraad oo kaliya bishaan August ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya.

NISA waxaa waqti xaadirkan madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, oo ah gacanta midig ee Farmaajo iyo shaqsi xiriir dhow la leh dowladda Qadar, taasoo maalgelisay ololihii madaxweynaha ee doorashadii qabsoontay ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM