Hogaanka Koonfur Galbeed oo loo diray digniin la xiriirta coddeynta

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu waaniyey in ay dib-u-heshiisiin u sameeyaan bulshadda kahor inta aan la aadin doorashooyinka guud ee nagu soo fool leh ee 2020-21.

Hogaanka dowladan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in ay iska-indhatiraan baaqaan, waxaana lagu wargeliyey in ay dhibaato culus ay imaan karto hadii aan laga shaqeyn isu soo dhaweynta bulshadda.

Siyaasiyiin iyo wax-garad kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku shiray caasimada Muqdisho ayaa farta ku fiiqay in arrimaha u baahan in dib-u-heshiisiin laga sameeyo ay kamid tahay xariga Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur oo December, 2018 laga soo xiray Baydhabo xilli uu murashax u ahaa doorashadii Villa Soomaaliya kusoo saartay Cabdicasiis Laftagareen ayaa u xiran dowladda iyaddoo aan wali la caddeynta sababta dhabta ah.

Dhinacyada xaadiray kulanka ayaa soo cusbooneysiiyey dalabkooda sii deynta Roobow kahor doorashadda ama "la caddeeyo dambigiisa".

"Wax badan cadaalo darro ay dhacdey waan daawanay, hadda waqtiga wuu sii dhacayaa. Farta afkiina ayay idin kugu jirtaa iska celiya ama ma aamusa. Waxaa la sheegay in 101 ergo ay soo dooraneyso beel walba, Cabdicasiis in uu na musuqmaasuqi karo way iska cadahay, marka waa in loo istaago in aysan sidaas dhicin," ayay si wadajir ah uga dhawaajiyeen dhinacyadda.

Mudaneyaal ka hadlay Baydhabo kuwaasoo sheegtay in ay kusii fadhin doonan kursiga ayay ku dhaleeceeyeen iyagoo xusuusiyey in waajibaadkii loo idmaday ay gabeen isla markaana looga baahan yahay in ay is-casilaan.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan Golaha Shacabka kana mid ah dhinacyadda kulanka kasoo muuqdey ayaa sheegay "in la ilaabay Mukhtaar Roobow" isagoo ku taliyey in qaylo-dhaanta la xoojiyo.

"Laakiin waxaan idin sheegeynaa in uu yahay nin gardaro ku xiran sababtoo ah ma uusan ahayn nin iska yimaadey wuxuu ahaa shaqsi loo yeeray. Waa nin ciidamadiisa ay hadda dagaalamayaan. Ciidanka kaliya ee Shabaabka duurka kula dagaalamaya waa kuwiisa," ayuu carabka ku adkeeyay Idiris.

Abu Mansuur oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab ayaa August, 2017 wuxuu Muqdisho ka sheegay in uu wadahadal kula jiro dowladda meel fiicana wax u marayaan, balse, wuxuu ka gaabsaday "in uu isa soo dhiibay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Taageerada Masar iyo Ku Soo Biirista Hawlgalka Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee Masar.

  • Soomaliya

    22-09-2025

  • 11:20AM

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM