MW Soomaaliya oo la kulmay maamus xumo, xilli laga digey

Image
Labada dowladood ayaa ka dhaxeysa xurguf diyaasadeed oo daaran heshiis beenaadkii Itoobiya-Somaliland,

Addis Ababa (GO) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wefdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan magaalada Addis ababa lagula kacay fal anshaxa maamuuska ka baxsan intii ay ku guda jireen ka qeyb galka shirka ururka Midowga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa ku sheegtay in ay Itoobiya ku xadgudubtay hab maamuuska madaxweynaha iyada oo ururka Midowga Afrikana ka dalbtay in baaris lagu sameeyo falkan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa isku dayga daandaansiga ah ee ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee 2024-ka ee ka dhacaya Addis Ababa.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Tallaabadani ay jebinayso dhammaan hab-maamuusyada diblomaasiyadeed iyo hab dhaqanka so jireenka ah ee Midowga Afrika.

“Maadaama Itoobiya ay martigelinayso Shirka Midowga Afrika, hoggaankeeda iyo dawladeeda waxaa ku waajib ah inay si isku mid ah ula dhaqmaan dhammaan madaxda Afrika.” ayaa la raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u soo jeedisay in dib loo qiimeeyo halka ay ku taalo xarunta Midwoga Afrika, hadii ay Itoobiya ku guul-darreysato in ay dhawrto milgada madaxda ururka.

“Waxaan ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan hab-dhaqankan foosha xun si waafaqsan hab-maamuuska Ururka.” ayaa intaasi la sii raaciyay.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli labada dowladood ay ka dhaxeyso xurguf daaran heshiis beenaadkii ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM