Hoobiyeyaal lagu garaacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tirro madaafiic ah ayaa laga maqlay qaybo kamida caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Goobjooge wuxuu sheegay warsidaha Garowe Online ku dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda Qaranka.

Weerarkaan ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Farmaajo uu Villa Soomaaliya kula kulmay madaxda maamul goboleedyadda shanta ah iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyey dhacdooyinkan. Balse, wuxuu ka gaabsaday tafaasiil dheeraad ah. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay ficiladan liddiga ku ah xasiloonida.

Sadiiq Doodishe, afhayeenka bileyska oo sheegay in ay dheemis ahaayeen qaraxyadda, ayaa ku adkeystay in aysan wax khasaare ah ka dhalan ficiladan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa tilmaamay in tirada hoobiyeyaasha ay ahaayeen sagaal xabo kuwaasoo lagu gannay [ridday] 10 daqiiqo gudaheeda.

Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee ammaanka gudaha Soomaaliya, hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay degmooyin ay kamid tahay Xamar-jajab, midkoodna uu ku habsaday agagaarka Madaxtooyadda.

Falkaan ayuu carabka ku dhuftay in uu muujinayo burbur dhanka nabad-gelyadda oo magaala madaxda wajaheyso xilli waddanka isku diyaarineyso doorashooyin heer qaran oo wali nooceeda lagu heshiin.

"Tobban daqiiqo gudaheeda, sagaal madfac ayaa ku dhacay qaybo kala duwan oo Muqdisho ah, qaar waxay ku habsadeen degmada Xamar-jajab, midna waxaa lagu garaacay meel ku dhow Villa Soomaaliya. [Waa] burbur guud oo dhanka ammaanka ah. AlShabaab oo ka faa'iideysaneysa qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira waxay mudddooyinkii dambe kordhisay weerarada," ayuu yiri.

Shalay ayay ahayd markii qarax ka dhacay mayaad ku taala afaafka mid kamid ah kontaroolada laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda ay ku dhinteen shan qof, kuna dhaawacmeen todoba kale. Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM