Hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka kubadda cagta Eng Yariisow

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba madfac ayaa lagu waramayaa in Isniinta maanta ah ay ku dhacday garoonka kubada cagta Eng Yariisow [Ex-Koonis], degmada Cabdicasiis ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Sawirro laga soo qaadey qalcadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujiyey waxyeelo soo gaarey qayb kamid ah garoonka oo ka dhashay hoobiyeyaasha oo tiradooda lagu sheegay laba xabo.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa dhacdooyinkan oo kale looga bartay.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in xilliga uu falku dhacayey ay garoonka ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Ma cadda hadii uu jiro khasaaro nafeed - dhimasho ama dhaawac - oo ka dhashay weerarka oo aysan wali ka hadlin laamaha ammaanka ee xukuumadda.

Warbixinadda qaar ayaa tilmaamaya in kaliya hal madfac oo habow ah uu ku dhacay garoonka, midka kale uu ku habsaday nawaaxigiisa.

Ciyaaraha lagu dheelo garoonka ayaa loo joojiyey cabsida laga qabo faafitaanka Coronavirus, kaas oo kiisaska laga helay gudaha waddanka ay sii cagacageynayaan 722, iyaddoo dhimashadda ay gaartay 31 muwaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM