Hooyada Shariif Sheekh Axmed oo lagu aasay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale ayaa ka qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda. 

“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu” 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra'iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas'uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM