Horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa qorsheynta weerarada oo la dilay

Image
Duqeyntan ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyeen gobolka Jubadda Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku lug lahaa abaabulka weerarrada ayaa duqeyn ay fuliyeen lala beegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaas sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, Axaddii. Balse ma aysan shaacin magaciisa iyo khasaaraha kale ee howlgalka.

Wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaaca ka dhigtay in duqeyntan ay "iska kaashadeen ciidamadda xoogga dalka iyo saaxiibadda kale ee caalamka".

"Waa tallaabo kale oo DFS oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba," ayay raacisay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go'an ay xididada u siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada".

Dhinaca kale, Guutada 24aad ee Khaalid binu waliid ayaa howlgallo ka sameeyay goobo Al-Shabaab ku dhuumaaleysaneysay sida degaanada Gacal Ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelada dhexe.

"Guutada 24aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin dhagar qabayaashu ku aaseen waddooyin shacabku isticmaalo," ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM