Horjooge ka tirsan Shabaab oo Galgaduud lagu qabtay [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Hawl gallo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa ka sameeyeen gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay horjooga saraakiishu sheegeen inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninka la qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cali Ganey, waxaana uu qaabilsanaa sida ciidanka dowladda laga soo xiganayo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute) ayaa VOA-da u xaqiijiyay qabashada horjoogaha, waxaana uu sheegay in lagu soo qabtay deegaanka Ceel Shiil oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Ceelbuur, una jirta dhowr iyo toban KM.

Dowladda Somalia ayaa Gudoomiye ku-xigeenku ka codsaday inay kala wareegto isaga iyo maxaabiis kale oo horey gacanta ugu dhigeen.

Horjoogaha ayaa la qabtay ayaa ka soo jeeda deegaanka, waxaana maamulka degmada Ceelbuur tilmaamayaan inuu shacabka ku hayay dhibaatooyin xoogleh mudadii uu ka tirsanaa ururka AL-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM