Howlgal walxaha qarxa lagu qabtay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay xalay fuliyeen howlgal gaar ah oo ka dhacay xaafado ku yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay degmada Kaaraan waxaana lagu soo qabtay tiro dhalinyaro ah oo looga shakiyay inay kamid yihiin Al Shabaab iyo waxyaabaha qarxa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu billowday xalay fiidkii, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday dhowr guri oo loo soo farmuuqay ciidamada oo lagu diyaarinayay falal ka dhan ah amniga.

Hay'adaha amaanka wali ma aysan shaacin tirada dadka ay soo qabteen iyo nooca waxyaabaha qarxa ee lagu soo qabtay howlgalka, balse waxay tilmaameen in eedaysaniyaasha ay ku hayaan baaritaan.

Ciidamada xasililinta ayaa si joogta ah howlgallo xilliga habeenkii ah uga fuliya magaalada, taasoo hoos u dhigtay dilalkii badnaa iyoo weeraradii kale ee Kooxda Al Shabaab ka fulin jireen Caasimadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM