Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

Image

Muqdisho— Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa hiil iyo qaylo xooggan ka muujisay, kana digtay cawaaqib xumo ka dhalan karta qorsheyaal ay sheegtay inay wadaan ciidanka amniga ee daacadda u ah Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Qorshahan oo ay xuseen inay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo sirdoonka, ayaa la sheegay in lagu beegsanayo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

Madasha ayaa si adag u cambaareysay weerar la sheegay in lagu qaaday hoyga Sheikh Cabdulqaadir Soomow, iyadoo ku eadeysay hoggaanka sare ee dowladda federaalka inay jabiyeen heshiisyadii iyo nidaamkii horey loogu heshiiyay ee ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed iyo tan ciidan ee ka taagan caasimadda.

Ugu dambayn, madasha ayaa baaq degdeg ah u dirtay ciidamada qalabka sida, iyadoo ka codsatay inay ka fogaadaan ku dhexmilanka arrimaha siyaasadda, ayna dhex-dhexaad u ahaadaan dhinacyada isku haya talada dalka.

Waxay kaloo uga digeen madaxtooyada dalka (Villa Somalia) in wixii dhibaato, xasillooni-darro, iyo hurinta colaad ah oo ka dhasha tallaabooyinkan ay mas'uuliyaddeeda iyagu qaadi doonaan.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM