Howlgalada AMISOM oo wajigooda labaad oo bilaabanaya dhowaan

Image

Muqdisho, Somalia August 25, 2014 (Garowe Online)- Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabab ee xiriirka la leh Ururka AlQaacida.

Afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud ayaa shaaciyay dhowaan inay bilaabi doonan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabab iyo sidii looga qabsan lahaa mar kale deegaanada ay kaga harsan yihiin gobaladda dhexe iyo kuwa Koonfurta.

Xaamud ayaa sheegay inaysan wax saamayn ah ku yeelan doonan howlgalkooda mushahar la'aan la sheegayo inay soo wajahday ciidanka AMISOM taasoo laga yaabo inay carqalad ku noqoto in Al Shabab si fudud deegaamada ay gacanta ku hayaan lagala wareego.

Degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan oo ciidanka isku dhafani Alshabab kala wareegaan sanadkii hore ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalado bini'aadannimo oo aad u daran ka dib markii kooxda Mayalka adag ay magalada ka fariisteen wadooyinka laga soo gaalo waxayna taasi sababtay inaan gurmad la gaarsiin qoysaska tabaalaysan.

Ma jirto ilaa iyo hada tilaabo AMISOM & Ciidanka DF ka qaadeen go'doominta AlShabab ay saartay degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan.

Meelaha ay bartilmaameedka ka dhiganayaan ciidanka AMISOM wajiga labaad ee dagaalka lagula jira Alshabab ayaa waxaa ka mid ah degmada Baraawe oo ah xarunta ugu wayn ee ay Gobalka Shabeelaha hoose ku lee yihin iyo deegaanada kale ee Gobalka Hiiraan.

Marka laga soo tago howlgalkan AMISOM ay wadaan docda kale ciidanka mamulka Jubba ayaa waqooyiga magalada Kismaayo ka wado howlgalo Alshabab looga saarayo deegaanada ay xooga ku haystaan ee Gobalka Jubadda hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM