Howlgalada AMISOM oo wajigooda labaad oo bilaabanaya dhowaan

Image

Muqdisho, Somalia August 25, 2014 (Garowe Online)- Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabab ee xiriirka la leh Ururka AlQaacida.

Afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud ayaa shaaciyay dhowaan inay bilaabi doonan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabab iyo sidii looga qabsan lahaa mar kale deegaanada ay kaga harsan yihiin gobaladda dhexe iyo kuwa Koonfurta.

Xaamud ayaa sheegay inaysan wax saamayn ah ku yeelan doonan howlgalkooda mushahar la'aan la sheegayo inay soo wajahday ciidanka AMISOM taasoo laga yaabo inay carqalad ku noqoto in Al Shabab si fudud deegaamada ay gacanta ku hayaan lagala wareego.

Degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan oo ciidanka isku dhafani Alshabab kala wareegaan sanadkii hore ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalado bini'aadannimo oo aad u daran ka dib markii kooxda Mayalka adag ay magalada ka fariisteen wadooyinka laga soo gaalo waxayna taasi sababtay inaan gurmad la gaarsiin qoysaska tabaalaysan.

Ma jirto ilaa iyo hada tilaabo AMISOM & Ciidanka DF ka qaadeen go'doominta AlShabab ay saartay degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan.

Meelaha ay bartilmaameedka ka dhiganayaan ciidanka AMISOM wajiga labaad ee dagaalka lagula jira Alshabab ayaa waxaa ka mid ah degmada Baraawe oo ah xarunta ugu wayn ee ay Gobalka Shabeelaha hoose ku lee yihin iyo deegaanada kale ee Gobalka Hiiraan.

Marka laga soo tago howlgalkan AMISOM ay wadaan docda kale ciidanka mamulka Jubba ayaa waqooyiga magalada Kismaayo ka wado howlgalo Alshabab looga saarayo deegaanada ay xooga ku haystaan ee Gobalka Jubadda hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM