Howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay oo ka shaqo bilaabay Muqdisho

Image
UNTMIS ayaa badalaya UNSOM kaasoo dalka ka shaqeynayay dhowrkii sano lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Hawlgalka Kumeel-gaarka ah ee Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), taas oo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya uga gudbeyso Hawlgalka Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kuna wajahan tahay inay noqoto Koox Qaran oo QM ah (Country Team) marka la gaaro 2026. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa adkeysiga iyo guulaha ay gaareen shacabka Soomaaliyeed, laga soo bilaabo horumarka dhanka cafiska deymaha ilaa ka qaadista xayiraadda hubka, ku biiridda Bulshada Bariga Afrika, iyo matalaadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay horumarka Soomaaliya iyo saameynta sii kordhaysa ee ay ku leedahay heerka caalamiga ah, isagoo aqoonsaday dadaallada UNSOM, Kooxaha Farsamada Wadajirka ah ee Xukuumadda Federaalka iyo taageerada muhiimka ah ee dalalka deeq-bixiyeyaasha ah. Mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Hosh, Wasiirka Warfaafinta Da’ud Aweys, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM James Swan ayaa sidoo kale ka qeybgalay xafladdan muhiimka ah.

Danjire Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay safarka Soomaaliya ee ku wajahan mustaqbal nabdoon iyo isku filnaansho, wuxuuna ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta lala leeyahay saaxiibbada si loo dhiso hay’adaha Soomaaliyeed.

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah James Swan ayaa ku celiyay muhiimada ay leedahay waddo cad, halka Cumar Maxamed, oo ah shaqaalaha ugu muddada dheer UNSOM ee Soomaaliyeed, uu ka sheekeeyay qiyamka iyo go’aan wadaagga ee mideeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xafladda waxaa lagu soo gabagabeeyay jaridda keegga, taas oo ka turjumaysa aragtideenna wadaagga ah ee xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Annaga iyo saaxiibbadeenna, waxaan u heellannahay inaan dhisno Soomaaliya oo nabdoon oo madax-bannaan, taas oo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu ka qeybqaato kuna faa’iido horumarka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM