Howlgalka la dirirka burcad-badeeda Soomaaliya oo mudada loo kordhiyey

Image

NEW YORK, US – Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa Jimcadii wuxuu meelmariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda ka howlgasha xeebaha Soomaaliya.

Qaraarkan tirsigiisu yahay 2554 oo helay codadka 15-xubnood ee golaha ayaa 12-bilood horleh wuxuu siinayaan howlgalka la dirirka shuftadda.

Dowladaha iyo urur goboleedyadda la shaqeeya mas'uuliyiinta Soomaaliya ayuu siinayaa awood ay kula dagaalamaan burcad-badeeda iyo dhaca hubeysan ee laga soo wariyo biyaha dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Go'aanadan noocaan ah waxaa lagu cusbooneysaa dalabka mas'uuliyiita Soomaaliya," ayaa lagu yiri qaraarka oo intaas ku daray in uu muddo kordhinta ay ku saleysan tahay xeerarka iyo curfiyadda caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayay waydiisteen in uu muddo 11 bilood gudaheeda ku taagero qaraarka si uu u dhaqan-galo isla markaana loo baajiyo suurtagalnimada dhaca hubeysan oo ka dhaca biyaha dalka.

Shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid weeraradda burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya iyaddoo kaliya sidee fal ay dhaceen mudadii u dhaxeysa 2015-tii illaa 2019-kii, sidda xogta muujineyso.

Sanadkii 2011—kii ayay dilaaceen weerarada shufta badeeda xilligaas oo la diiwaan-geliyey 160. Shantii sano ee ka dambeysay, waxaa lasoo wariyey 358 taasoo ah koror weyn oo la tabiyey 2010 illaa 2014-kii.

Sikastaba ha ahaatee, khubarada ayaa aaminsan in burcad-badeeda ayaan wali laga adkaan una wareegeen aagyo kale sidda Gacanka Guinea iyo biyaha Koonfur-Bari Aasiya si gaar ah Nigeria, Indonesia, iyo Malaysia/Singapore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM