Howlgalkii France ka fulisay Soomaaliya ee mahadhada isku bedelay

Image

PARIS, France – Howlgalkii sirdoonka Faransiiska ka fuliyeen Soomaaliya 2013-kii si ay u soo badbaadiyeen muwaadin ay Al-Shabaab ka haysatay wuxuu ahaa mid qorshe la'aan la qaadey, sidda uu shaaca ka dhigay sarkaal hore.

Jeneraal Christophe Gomart oo taliye kasoo noqdey mid kamid ah Guutooyinka Ciidan ee Faransiiska ugu tababarka fiican ayaa buug uu qoray wuxuu ku dhaleeceeyay qaabka shaqo ee kumaandooska dalkiisa.

Mr Gomart oo xafiiska joogay mudadii u dhaxeysay 2011 illaa 2017-kii wuxuu ku baaqay dib-u-qaabeyn lagu sameeyo hanaanka milatariga.

Muwaadinka Faransiiska ee Al-Shabaab afarta sano u afduubnaa wuxuu ahaa Denis Allex kaasoo ahaa sarkaal sarre oo ciidankooda kamida.

Sidda laga soo xigtay warbixin lagu qoray The Times oo kasoo baxdey Ingiriiska, fashilka howlgalkaas waxaa ka dambeeyay markii ciidamadda aysan si fiican u qorheyn dhaqdhaqaaqooda kahor inta aysan qaadin.

Laba askari oo Faransiis ah ayaa howlgalkaas lagu dilay, mana cadda tiradda khasaaraha shacabka iyo waxyeeladda dhanka Al-Shabaab.

"Qorshe la'aan iyo waaya aragnimo xumi waxay dhalisay in ay musiibo isku rogtay markii 50 kamid ah ciidamadda kumaandooska Faransiiska loo diray Soomaaliya 2013-kii si ay u soo badbaadiyaan Denis Allex. Islaamiyiinta waxay dileen laba sarkaal oo laheysteyaal u ahaa. Ciidamadda Faransiiska waxay toogteen laba shacab ah mudadii ay jidka ku jireen," ayuu tabiyey mareegga.

Maalin kadib guuldaraddaas, Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay toogatay Denis Allex, wallow Paris ay xustay in howlgalka uu ku geeriyoodey.

Waajibaadka ciidamadda sirdoonka Faransiiska waa la dagaalanka falalka; argagixisada, afduubka, dilalka qorsheysan iyo shirqooladda.

Qafaalashada ajaaniibta ayaa kamid ah qaababka ay dakhliga ku ahaa kooxaha hubeysan si ay ugu maalgeliyaan howlgaladooda ka dhanka ah dowladaha. Dunida waxay isku raacsan tahay in aan madax furasho la siin argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM