HRW: AMISOM ha Baarto Dhacdadii Marka

Image

(VOA)- Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya inay baadhaan dilka lagu eedeeyey ciidamada Uganda ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Ciidama AMISOM ee ku sugan magaalada MARKA ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu eedaynayaa inay dileen lix qof oo ku sugnaa xaflad aroos, bishii July 31-keedii 2015.

Human Rights, waxa ay sidoo kale dalbatay in baaritaanka la sameeyo, ayada oo si aad ah loo dhowrayo ammaanka dadka goobjooga u ahaa dhacdadan, islamarkaana dowladda Uganda ay si caddaalad ah u maxkamadeyso askari kasta oo lagu helo inuu mas’uul ka ahaa weerarka.

Halkaan ka akhri warbixintaan oo ku qoran afka Ingriiska 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM